Midowga Yurub oo Sucuudiga ku daray dalalka maalgaliya argagixisada

671
Midowga Yurub oo Sucuudiga ku daray dalalka maalgaliya argagixisada. Sawirka: Reuters

Midowga Yurub ayaa liis cusub oo aan wali la daabacin waxay Sucuudiga ku dareen dalalka khatarta ku ah Midowga Yurub maadaama aysan adkeyn la socodkooda lacagaha laga yaabo in loo isticmaali karo falal argagixiso.

Waxaa Sucuudiga sidoo kale lagu eedeynaa in ay sameeyaan lacag kala gudbin iyo isdambarin maaliyadeed taas oo laga yaabo in ay isticmaalaan kooxaha argagixisada.

Liiskaan oo ka kooban lix iyo toban dal oo ay ka mid yihiin Ciraaq, Iiraan, Afghanistaan, Kuuriyada waqooyi iyo kuwa kale ayaa inta badan lagu saleeyaa habka la dagaalanka maalgalinta argagixisada iyo lacag kala  gudbinta aan sharciga ahayn.

Liiskaan oon wali si rasmi ah aan loo sii deyn ayaaa waxaa wakaaladda wararka Reuters u xaqiiqjiyay ilo ka tirsan Midowga Yurub oo tilmaamay in laga yaabo in wax laga badalo.

Tallaabadaan Midowga Yurub ee Sucuudiga ku dareysa dalalka malagaliya argagixisada ayaa imaaneysa iyada oo Sucuudigu ay wajahayaan cadaadis caalami ah oo ka dhashay dilkii qunsuliyadda Sucuudiga ee magaalada Istanbul ee dalka Turkiga loogu geystay wariye Jamaal kashogi sanadkii hore.