Midowga Yurub oo qorsheynaya in ay xuduudaha xiraan si looga gaashaanto cudurka Corona

536

Guddiga Midowga Yurub ayaa qorsheynaya in ay hakiyeen safarada aan muhiimka ahayn ee dalalka Midowga Yurub .

Madaxweynaha Midowga Yurub ayaa sheegtay in ay madaxda dalalka Yurub weydiisan doonto in laga bilaabo talaadada ay dhaqangaliyaan tillaabooyinkaan cusub ee lagu xakameynayo cudurka Carona.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa horay u sheegay in xuduudaha Midowga Yurub la xiri doono oo aysan jiri doonin duulimaadyo qaaradda Yurub dhexdeeda iyo meelaha kale.

Madaxweynaha Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aanadaan cusub aysan saameyn ku yeelan doonin dadka heysta degenaashaha dalalka Midowga Yurub iyo diploomaasiyiinta, sidoo kale shaqaalaha caafimaadka iyo dadka alaabada geeya dalalka Yurub ayaysan saameyn doonin xayiraadda safarka ee la doonayo in lagu soo rogo qaaradda Yurub.