Ururka Midowga Yurub ayaa qaxootiga ku jira xeryaha Dhadhaab ee Kenya ugu deeqay lacag gaareysa 1.1 Bilyan oo ah lacagta shilinka ee dalkaasi, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda.
Lacagahaasi ayaa la sheegay in gargaar lagu gaarsiin doono dadka nugul ee ku jira xeryaha Dhadhaab ee gobolka waqooyiga Bari ee dalka Kenya
Sidoo kale waxaa lagu wadaa in lacagahaasi lagu bixiyo dhinaca waxbarashada dugsiyada hoose ee ku yaalla xeryaha Dhadhaab
Sarkaal ka tirsan Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan qaxootiga ku jira Dhadhaab ee dalka Kenya oo ah xerada qaxooti ee ugu weyn caalamka
Xeryahaasi ayaa waxaa ku jira illaa 231,000 oo u badan qaxooti Soomaali ah oo qaarkood 20 sano ka hor ka cararay gudaha Soomaaliya.