Midowga Yurub ayaa war ay soo saareen ku cadeeyey mowqifkooda ku aadan qorshaha cusub ee Raisulwasaaraha Ingiriiska Thresey May ee ka bixitaanka Midowga Yurub. Dhexdhexaadiyaha sare ee ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub Michel Barnier ayaa si weyn uga soo horjeestay mowqifka Ra’isal wasaare Theresa May ay ka istaagtay arrintan,taasi oo dhalisay muran xoogan oo u dhaxeeya labada dhinac.
Rai’isul wasaaraha Dalka Ingiriisa Theresa ayaa waxay sheegtay iney waxba iska beddeleyn mowqifkeeda ku aaddan ka bixitaanka Britain ee Europe,iyadoo haatan wada qorshe ay ku xoojinayso dhaqaalaha dalkeeda,waxayna xoojinaysa xiriirka Britain iyo Qaaradda AFrika iyo wadamo kale oo caalamka kamid ah.
Isagoo si weyn uga hadlayay qorshahaasi siyaasadeed ee fog ayuu Dhexdhexaadiyaha sare ee ka bixitaanka Britain ee midowga Yurub Michel Barnier Barnier sheegay iney lagama maarmaan tahay iney dib ugu laabato qorshaheeda iyada oo aan eegeyn rabitaanka Yurub,isagoo intaasi ku daray in ilaa bisha Novermber ay socondoonaan wada hadaladaasi.
Theresa May ayaa sheegtay in Britain iyo Midowga Yurub ay isku diyaariyaan wadahadallada xiga ee ay yeelanayaan iney muujiyaan isku soo dhawaasho, inkastoo weli ay jiraan aragtiyo kala duwan oo dhanka siyaasadda ka bixitaankaasi iyo hanaanka loo marayo.
Jeremy Hunt oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Dalka Britain waxuu ka digay in heshiis la’aan uu dalkiisu ka baxo midowga Yurub midaas oo uu ku tilmaamay khalad aad u weyn, iyadoo ay Hay’adda ganacsiga Adduunka (WTO) ay ku baaqday iney soo afjaraan heshiiskooda si ganacsiga labada dhinac uu u sii socda.