Midowga Yurub oo €100M ku kabaysa miisaaniyadda dowladda Soomaaliya

742

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo goordhow  warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay Shirkii uu kaga qeyb galay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Waxaa uu sheegay in uu la kulmay Madax kala duwan oo ka socotay dalalka Caalamka, islamarkaana uu kala hadlay sidii ay taageero u siin lahaayeen Soomaaliya.

R/wasaaraha  ayaa sheegay in Midowga Yurub ay isku raaceen in 100 Milyen oo EURO  lagu kabo miisaaniyadda Dowladda,iyo 80 Mliyen oo dhismaha Ciidanka ah.

Waxaa uu sheegay in ay lacagtaasi ay ka faaideysan doonaan, islamarkaana lagu horumarin doono howlaha ka socda Soomaaliya.

Kheyre ayaa sidoo kale tilmaamay in dhawaan la qaban doono Shir ay ka qeyb gali doonaan Madaxda Soomaalida oo looga hadlaayo Ammaanka Soomaaliya.