Midowga Yurub iyo Iran oo heshiis gaaray

770
Shanta dal ee ku haray heshiiska Nukliyeerka Iran ayaa ku heshiiyay in la abuuro hab cusub oo lacag bixin ah si loo fududeeyo ganacsiga Iran la galayo. Sawirka: Google

Midowga Yurub ayaa ku heshiiyay in la sameeyo hab cusub oo ganacsi sharci ah lagula yeelanayo waddanka Iran iyada oo la garab marayo cunaqabataynta Mareynka ee saaran Iran.

Midowga Yurub ayaa abuuri doono nidaam cusub oo lacag bixin ah si loo ilaaliyo shidaalka iyo heshiisyada kale ee ganacsi ee Iran iyadoo laga fogaanayo talaabooyinka ciqaabta ah ee cunaqabataynta Mareykanka, sida ay sheegtay isniintii madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub Federica Mogherini.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump aya bishii May ee sanadkaan ka baxay heshiiska Nukleerka Ira ee 2015-kii isagoo dib ugu soo rogay cunaqabatayntii laga qaaday.

Hadalka ay ku dhawaaqday madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Mogherini ayaa yimid kaddib markii ay kulan ku yeesheen magaalada New York wasiiradda arrimaha dibadda UK, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka, Shiinaha iyo Iran.

” Ficil ahaan heshiiskaan ayaa dhigaya in dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub ay samayn doonan hab sharci ah oo u suurtagelinaya ganacsiga ay sameeyaan Iran, iyadoo sidoo kalena u ogalaanaysa shirkaddaha reer Yurub in ay ganacsi la geli karaan ama la samayn karaan Iran’’, ayay u sheegtay warfidiyeenka madaxa siyaasadda arrimaha dibadda Midowga Yurub.

Shanta dal ee ku harray heshiiska Nukleer iyo Iran ayaa markale xaqiijiyay in ay go’antahay in ay sii waddi doonan dhaqangelinta qodobada heshiiska Nukleerka Iran.