Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa kula kulmay xubno matalayay Midowga Musharraxiinta oo kala ah Madaxweyneyaashii hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Xasan Sheikh Maxamuud iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.
Madaxweynayaashii hore ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbiyay liiska xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira Guddiyada Doorashooyinka heer Federaal deraal iyo dowlad Goboleed.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ka guddoomay liiska ay soo gudbiyeen xubnaha Midowga Murashaxiinta waxaan la filayaa in Ra’iisul Wasaaruhu ku wareejo Guddiga heer Wasiirro ah oo uu shalay magacaabay si ay u soo xaqiijiyaan caddeymaha xubnaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka.
Arrintaan ayaa ka mid ahayd qodobka 1aad ee Hishiiskii Golaha Wadatashiga Qaran ee Doorashooyinka Qaranka.