Wararka laga helayo magaalada Boosaas ee xarunta gobalka Barri ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada booliska ee magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah ragga ugu waa weyn ee dadka loo yaqaano magafayaasha, kuwaasi dhallinyarada Soomaaliyeed ka tahriibiya dalka.
Ninkan ayey boolisku sheegeen inuu shaqaaleysiiyay ilaa iyo 200 oo dhallinyaro ah oo ku qal-qaaliya dhalinyarada inay tahriibaan.
Waxaa la sheegay in halkii qof ee ay dhallinyradaas u keenaan uu ku siin jiray lacaga gaareysa 200 oo dollar.
Col: Axmed Jaraale, oo ah taliye ku xigeenka taliyaha booliska ee Qeybta Bari oo waraysi siiyay VOA, waxaa uu sheegay in ciidamo ay howlgalo kusoo qabteen ninka magafaha ahaa haatana uu Ku jiro gacanta ciidanka booliiska Puntland.
Ninkan ayaa la sheegay inuu dhowaan ka yimid dalka Caalamka ugu da’da yar ee Koonfurta wadanka Suudaan isagoo howlo qorshaysan oo xambaaridda dadka ah u yimid deegaanada Puntland.
Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa sanad walba ka tahriiba dalkooda hooyo ayagoo naftooda Ku biimeeya badaha halista badan ee kala ah Mediterranean-ka iyo badda Cas, kuwaasi oo doonaya inay gaaraan dalalka hodanka ah ee Yurub iyo kuwo ku yaala gacanka Carabta ama Khaliijka.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay waxaa loogu soo gacan galiyay mid ka mid ahaa magafayaasha loogu raadiska badnaa, waana dalka Koonfurta Suudan kasoo qabtay booliiska Caalamiga ah ee loo yaqaano Interpol.
Hoos ka dhagayso waraysi taliye Ku xigeenka booliiska qaybta gobalka Barri uu siiyay VOA.