Mexico oo magangalyo u fidisay Madaxweynihii is-casilay ee Bolivia

633
Madaxweynaha is casilay ee dalka Bolivia Eva Morales. Reuters

Dowladda Mexico ayaa magangalyo siyaasadeed u fidisay Madaxweynihii hore ee dalka Bolivia Eva Morales oo isniintii iscasilay kaddib xasillooni darro siyaasadeed oo qalqal galisay dalkaas.

Tillaabada dowladda Mexico ayaa sii xoojineysa doorka ay Mexico ka ciyaareyso diploomaasiyadda iyo siyaadaha Koonfurta Ameerika oo waxa ay noqoneyso dalka taageerada diploomaasiyadeed la garab taagan hoggaamiyaasha bidixda u janjeera ee dalalka Koonfurta America.

Wasiirka arrimaha dibadda Mexico Marcelo Ebrard ayaa sheegay in nolosha Madaxweyne Morales ay khatar gashay sida caadada u ahaydna Mexico ay u fidisay magangalyo maadaama ay leedahay taariikh soo jireen ah oo dhanka magangalinta siyaasiyiinta ah.

Madaxweyne Morales ayaa dawladdii uu hoggaaminayay waxay burburtay axaddii markii xubno ka tirsanaa xisbigiisa talada haya ay iscasileen taas oo keentay in ciidanku ku cadaadiyo in uu iscasilo.

Sababta keentay in ciidanku faragaliyo ayaa ah muran ka dhashay doorashadii dhacday iyo deganaasho la,aan siyaasadeed oo todobaadyo socotay taas oo halis galisay dalka Bolivia.

Madaxweyne Morales ayaa sheegay in hoygiisa la beegsaday oo naftiisa halis la galiyay. Morales ayaa la sheegay in uu aadday dhanka magaalada Chaprene oo taageerayaashiisa ay ku xooganyihiin.

Wasiirka arrimaha dibadda Mexico ayaa ku tilmaamay waxa dhacay afgambi, waxa uuna u mahadceliyay madaxweyne morales oo uu doortay in uu iscasilo intuu dalku halis galin lahaa.

Morales ayaa ahaa madaxweynihii ugu horreeyay ee asalkiisu yahay dadkii dalkaas deganaa een soogalootiga ahayn oo noqda madaxweyne dalkaas.

Waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyaal dhanka bidix u janjeeray oo ka hanaqadaay Latin America kuwaas oo si weyn uga soo horjeeday siyaasadda Maraykanka ee Latin America.