Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan wadanka koonfurta Suudaan ayaa Jaaliyadda Soomaaliyeed kula hadlayay xalay Magaalada Jubba ayaa ka warbixiyay Khilaafka dowladda dhexe kala dhexeeyo maamul Goboleedyada dalka.
Mudane Madaxweyne Farmaajo ayaa cod dheer ku sheegay in maamul Goboleedyadu ku fashilmeen inay adeega aas-aasiga ah ay maamuladooda gaarsiiyaan iyo deegaanada ay ka arrimiyaan midaas oo uu ku tilmaamay inay ku mashquulsanyihiin arrimo aanay ku shaqo laheyn.
Waxaana uu hoosta ka xariiqay Madaxweynaha Soomaaliya in halkii looga baahnaa in ay wax ka qabtaan baahiyaha ka jira deegaanada hoostaga maamulladooda sida waxbarashada, biyaha caafimaadka ay dowlad Goboleedyadu ku mashquuleen siyaasadda arrimaha dibadda oo ah howl u taalla oo kelliya dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Maamul goboleedka waxaa u soo haray in addeeggii ay gaarsiiyaan, haddii ay tahay waxbarasho, haddii ay tahay caafimaad, in dadka ay mas’uulka u yihiin ka warqabaan iyo haday tahay ceelal inay u sameeyaan iyo canshuuraha inay uruuriyaan, anigu waxaan ka hadlayaa nidaamka federaalka ah ee dunidda ka jira waa noocaas”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
Hadalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku soo beegmaya xilli si weyn looga dhur sugayay mowqifkiisa ku aadan ismaandhaafka u dhexeeya dowladda dhexe iyo Madax Goboleedyada dalka.
Waxaana Madaxweynuhu horay ugu gacan haatiyay Madax Goboleedyadu inay ka soo qeyb galeen Gogol uu ugu fidiyay Xafiiskiisa Magaalada Muqdisho ee Villa Somalia.