Dhaxal sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed bin Salmaan (MBS), ayaa ku beeniyay wareysi uu la bixiyay Axadii in uu amray dilkii saxafiga Jamal Khashoggi sanad ka hor, laakiin wuxuu sheegay in ugu dambeyntii uu qaadayo “mas’uuliyad buuxda” wixii dhacay. Sababtoo ah waxan ahay hogaamiyaha dalka, ayuu yiri.
Isaga oo wareysi siinayay Telefishinka CBS barnmaajirkiisa 60 Minutes, ayuu yiri “Gabi ahaanba maya,” markii la weydiiyay hadii uu amray dilka. Laakiin wuxuu sheegay inuu qaatay mas’uuliyad buuxda, “maadaama ay ka gaysteen shaqsiyaad u shaqeeya dowladda Sacuudiga.”
“Tani waxay ahayd qalad. Oo waa inaan qaadaa talaabooyinka oo dhan si aysan u dhicin waxa noocaas ah kale ah mustaqbalka,” ayuu yiri Maxamed bin Salmaan. Waxa uu ku tilmaamay dilka “mid xun.”
Jamal Khashoggi, oo ahaa qoraa iyo suxufi ka tirsan wargeyska Washington Post, ayaa markii ugu dambeysay lagu arkay qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbul 2-dii Oktoobar sanadkii hore, halkaas oo uu ku ka doontay dukumiinti kahor arooskiisa. Maydkiisii waa laga jaray oo laga saaray dhismaha. Ilaa iyo hadda weli maydkiisii lama helin.