Maxkamadda Sare: Maxaabiista Xabsi laguma hayn karo 48 Sacadood ka badan

436

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa wax kasoo saartay Garsuge-nimada Maxbuuska, waxaana maxkamaddu ay sheegtay in garsuguhu maxkamad la’aan aanu xirnaan Karin wax kabadan 48-saacadood.

Wareegto ay soo saartay maxakamadda sare ayaa si weyn loogu qeexay muddada garsugaha, iyada oo maxkamadaha dalka iyo dhamaan talisyada Booliska, Nabad-Sugidda iyo Asluubta lagu socodsiiyey wareegtada.

Xafiiska Xeer ilaalinta iyo xafiisyada kale ee dambi barista ayey maxkamaddu u jeedisay in ay hirgaliyaan wareegtadaan islamarkaana baaristooda ay ku dhameeyaan muddada sharciga uu farayo oo ay maxbuuska eediisa usoo gudbiyaan maxkamadda awooda u leh ama xoriyadiisa ay dib ugu celiyaan.

img071-640x837

SHARE