Maxkamadda sare ee UK oo laashay go`aankii lagu hakinayay hawlaha Baarlamaanka

558

Maxkamadda sare ee Britain ayaa xukuntay in go`aankii Ra`iisul wasaaraha Britain uu ku hakinayay hawlaha baarlamaanka Britain uu yahay mid sharci darro ah.

Ra`iisul wasaaraha Britain Boris Johnson ayaa horrantii bishaan hakiyay hawlaha baarlamaanka muddo shan todobaad ah. Garsoorayaasha maxakamadda sare ayaa se xukumay in go`aanka Mudanayaasha baarlamaanka UK shaqadooda looga joojinayo inta laga gaarayo waqtiga ay Britain ka baxeyso Midowga Yurub ay tahay mid sharci darro ah. Boris Johnson ayaa sheegay in uusan go`aanka maxkamadda ku raacsaneyn, laakiin uu ixtiraamayo.

Mudanayaal dhowr ah oo ka tirsan baarlamaanka Britain ayaa Ra`iisul wasaaraha usoo jeediyay in uu iscasilo, iyada qaarna ay sheegeen in ay qasab xilka uga qaadi doonaan haddii uusan iskiis isku casilin.

Boris Johnson ayaa u muuqda mid aan wali ku qancin go`aanka, isaga oo sheegay in uu doonayo in khudbadda boqorada uu kusoo gudbiyo siyaasadihiisa. Hadal uu ka jeediyay magaalada New York ayuu ku sheegay in marnaba uusan joojin doonin ajandayashiisa gudaha, isla markaana uusan u baahneyn boqoradda khudbadeeda oo baarlamaanka furi lahayd.

Go`aanka maxakamadda ayaan marnaba ka hor istaageyn in uu mar labaad hakiyo hawlaha baarlamaanka, laakiin waa in taasi aysan joojin hawlaha baarlamaanka iyada oo aan la heyn sabab qiil u noqon karta in hawlaha la hakiyo.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee UK Lyde Hale ayaa sheegtay in go`aanka boqorada lagula taliyay in ay hakiso hawlaha baarlamaanka uu ahaa mid sharcidarro ah maadaama uu ka hor istaagay baarlamaanka in ay shaqadooda qabsadaan. Guddoomiyaha maxkamadda sare ayaa intaas ku dartay in 11 garsoore oo isku raacay ay micnaheeda tahay in go`aankii lagu hakiyay uu yahay waxba kama jiraan.

Afhayeenka baarlamaanka UK John Barcow ayaa faray mudanayaasha in ay dib ugu soo laabtaan hawlahooda oo bilaaban doonaa maalinta arbacada 11:30  subaxnimo. Boris Johnson ayaa ku adkeysanaya in 31 October ay heshiis ama heshiis la’aan ka bixi doonaan Midowga Yurub.

Hoggaamiyaha xisbiga shaqaalaha ee mucaaradka ah Jeremy Corbyn ayaa sheegay in go`aanka maxkamadda uu muujinayo quursiga uu Boris quursanayo dimuqraadiyadda.Corbyn ayaa intaas ku daray in Johnson ugu baaqayo in go`aankiisa dib uga fikiro.

Britain ayaa waxa ka jira ismari waa ku aaddan sida looga baxayo Midowga Yurub iyada oo Ra`iisul Wasaare Borisna uu rabo heshiis la’aan, halka xisbiyada kale ee mucaaradkana ay rabaan in heshiis looga baxo oo aan dalka halis loo galin go`doomin dhaqaale iyo mid bulshadeedba.