Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa sheegtay in Madaxweyne Donald Trump uu u isticmaali karo 2.5 bilyan oo doollar oo ah lacagta Pentagon ah qeyb ka mid darbiga uu doonayo inuu ka dhiso xadka ku yaalla Koonfurta ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico.
Maxakamada ayaa ku xukuntay shan cod ilaa afar in ay hor istaagto xukun uu sameeyay garsoore federaali ah ee magaalada California kaas oo madaxweynaha ka horjoogsaday in uu lacagta ku isticmaalo darbiga.
Darbiga, oo kala qeybinaya Mareykanka iyo Mexico, ayaa ahaa ballan qaadka ugu weyn ee Mr Trump uu ku galay intii lagu gudajiray ololihiisa doorashadii 2016.
Waxaa si xooggan u diidan xisbiga Dimuqraadiga.
Go’aanka maxkamadda sare ayaa la macno ah in lacagta loo isticmaali doono mashruucyada darbiyada ee California, Arizona iyo New Mexico.
Maxkamad ku taal California ayaa ku dooday in Aqalka Congress- ka uusan si gaar ah u oggolaan in lacagaha loo adeegsado dhismaha derbiga.
Madaxweyne Trump ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, wuxuu xukunka ku tilmaamay “guul weyn”.
Madaxweyne Trump ayaa ku dooday in darbiga cusub uu gacan ka gaysan doono xakameynta socdaalka sharci darada ah, kaas oo uu sheegay in uu hurinayo dambiyada isla markaana uu culeys dhaqaale keenayo.
Dimuqraadiyiinta ayaa dhankooda doorbidaya, amniga xudduudka laakiin derbigu wuxuu noqon lahaa mid qaali ah oo aan waxtar lahayn. Waxay ku doodayaan in Mr Trump uu soo saaray xaalad deg deg ah xuduudaha iyo in darbiga uu astaan u noqday madal laga soo horjeedo dadka galootiga ah ee maamulka Trump diidan yahay.