Muqdisho – Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ayaa shaacisay galabta in ay markale dib u dhigtay dhageysiga kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Qoraalka soo baxay Maxkamadda ICJ ayay ku sheegtay in markii ay dib u eegtay codsiga dowladda labada dhinac ee ahaa in dib loo dhigo iyo in la waqtiga loo qabtay la qaado dacwada ay Maxkamadda ugu dambayn go’aamisay in dhagaysiga kiiska dacwadda badda dib loo dhigay ilaa bisha Juun ee sanadka soo socda.
Maxkamadda ayaa sheegay in dhagaysiga dacwadda badda Soomaaliya iyo Kenya loo fariisan doono bisha Juun 8-12, 2020-ka.
Maxkamadda ICJ waxa kale oo ay sheegtay in mar dambe aan la aqbalay dib u dhigis kale.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale xaqiijisay in dib loo dhigay qaadida dacwadda badda.
Ra’iisul ku xigeenka Soomaaliya Khadar Maxamed Guuleed ayaa sheegay markii in markii Maxkamaddu ay dhagaysatay labada dhinac Soomaaliya iyo Kenya ay go’aan kama dambays ah ku soo saartay in dacwadda la dhagaysto bisha Juun 8-12-ka, 2020.
Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ) waxa ay go’aamisay in dhagaysiga dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya laga garnaqo 8-12ka Juun, 2020ka
— Mahdi M. Gulaid (@KhadarGulaid) October 17, 2019
Waa markii labaad oo dib loo dhigayo kiiska dhagaysiga dacwadda badda ee Soomaaliya iyo Kenya.
Dowladda Kenya ayaa Maxkamadda ICJ ka codsatay in muddo sanad ah dib loogu dhigo dhagaysiga dacwadda,halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay codsatay oo ay ku adkaysanaysay in 4ta bisha November, 2019 la qaado dacwadda badda.
Hoos ka daawo dowladda Soomaaliya oo ka hadashay kiiska badda oo dib loo dhigay.