Maxkamadda ICC oo racfaan ka qaadaneysa sii deynta Madaxweynihii hore ee Ivory Coast

358
Maxkamadda ICC ayaa 15 bishii January wax dambi ah ku wasay Madaxweynihii hore Ivory Coast Gbabo. Sawirka/ Peter Dejong / ANP / AFP.

Dacwad oogaha maxkamadda danbiyada dagaalka ee Hague ayaa sheegtay in xafiiskeeda uu racfaan ka qaadan doono go’aan sii deysmo ah oo horay looga qaatay Madaxweynihii hore ee Ivory Coast Lauren Gbagbo.

Maxkamadda ayaa 15 bishii January waxa ay danbi ku weysay Madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast iyada oo amartay in la sii daayo maadaama dadka soo eedeeyay aysan keenin caddeyn la xiriirta Danbiyo ka dhan ah bini aadanimada.

Madaxweyne Gbago ayaa xabsi ku jiray muddo toddobo sano ah ka hor intii aan si shuruud ah lagu sii deyn.

Fatou Bensouda oo ah dacwad oogaha maxkamadda danbiyada dagaalka ayaa isniintii sheegtay in ay weydiisan doonto garsooreyaasha in ay gabi ahaanba baabi’iyaan xukunka sii deysamada ah kaddib markii uu dhacay sida ay sheegtay gef xagga garqaaddida ah.

Racfaan ay gudbisay ayaa muujinaya in garsooreyaasha qaadayay dacwadda Madaxweyne Gbagbo ay sameeyeen Gef sharci iyo waliba mid hab ciqaabeedka taas oo keentay in maxkamaddu ay bari yeesho Madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast oo loo heystay gaboodfallo ka dhan ah bini’aadanka oo ka dhacay dalkaas intii ay socotay qalalaasihii ka dhashay doorashadii ka dhacday Ivory Coast oo uu ku guuleystay Alxasan Wataraa.

SHARE