Maxkamadda G/Banaadir oo xukuno iyo ganaaxyo ku riday masuuliyiin ka tirsan DFS

373

Muqdisho – Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Khamiis ah waxa ay xukunno xabsi iyo ganaaxyo lacageed ah ku riday masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo ganacsato kuwaasi oo Maxkamaddu ku heshay musuq-maasuq iyo xatooyo xoolo dadweyne.

Maxkamadda ayaa ku xukuntay Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Kheyraadka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Guuleed Maxamed Ibraahim 10 sanno oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 2, 366 oo dollaar.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku xukuntay Cali Sheekhdoon Cabdi oo ah mulkiilaha Shirkada Maamuus General Trading and Contracting Service ahna madaxda hubinta kharashaadka Xafiiska Xisaabiyaha Guud ee dowladda Federaalka Soomaaliya 9 sanno oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo 3,549 doollar oo Maxkamaddu sheegtay in ay ku heshay xatooyo xoolo dadweyne iyo ku danayso xaafiis dadweyne.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale xukuno iyo ganaaxyo ku riday labada masuul oo kale oo Maxkamaddu sheegtay in lagu helay xatooyo xoolo dadweyne.

SHARE