Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa amartay in shurrud lagu sii daayo madaxweynihii hore ee dalka Ivory Coast Laurent Gbagbo kaddib markii lagu waayay wax eed ah oo la xiriirta dambiyo dagaal horay loogu soo eedeeyay.
Garsoorayaasha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ayaa jimcihii isku raacay in la sii daayo hoggaamiyihii hore ee Ivory Coast oo 73 jir ah iyo gacan yarihiisii Charles Ble Goude iyaga oo shuruud looga dhigay in ay ku noolaadaan dal aan la cayimin inta laga dhageysanyo racfaanka ay soo gudbiyeen dacawad oogaayaasha maxkamadda caalamiga ah ee dambiyada dagaalka.
Laurent Gbagbo iyo kaaliyihiisii Charles Ble Goude ayaa maxkamad loo soo tagaay afar eed oo la xiriira dambiyo ka dhan ah bini aadaminida sida dil, kufsi, xukun ridis ana sharci ahayn iyo gaboodfallo kale oo ka dhan bini aadanka oo ka dhacay wixii ka dambeeyay doorashadii lagu murmay ee sannadkii 2010.
Madaxweynihii hore ee Ivory Coast oo ay gacanta kusoo dhigeen ciidanka Faransiiska ayaa loo gudbiyay maxkamadda dambiyada dagaalka ee fadhigeedu yahay magaalada the Hague ee dalka Nderland,isaga oo gacanta maxkamadda ku jiray tan iyo sannadkii 2011. Kaaliyihiisa Charles Bele Goud ayaa gacanta maxkamadda galay sannadkii 2014ka.
Labadaan masuul ayaa sida madaxweyne ku xigeenkii hore ee Congo Jean Peare bembe waxay kusii nagaan doonaan dal kale inta si kama dambeys loo sii deeynayo.