Maxkamad laashay xukunkii dilka ee Madaxweynihii hore Pakistan

663
Maxkamad ku taalla magaalada Islamabad ayaa Madaxweynihii hore ee Pakistan Pervez Musharraf ku riday xukun dil ah. Waxaa maxkamaddu sheegtay in lagu helay khiyaano sare. Photo courtesy: BBC

Maxkamadda sare ee Lahore ayaa xukunkii hore ee dilka ahaa oo lagu riday madaxweynihii hore ee Pakistan Parvez Musharraf ku tilmaamtay waxba kama jiraan.

Maxkamadda sare ee Lahore ayaa sheegtay in maxkamaddii xukunka hore ridday ay ahayd mid aan dastuuri ahayn.

Kagadaal xukunka maxkamadda sare ee magaalada Lahore Madaxweynihii hore Parvez Musharraf ayaan loo heysan wax dambi ah .

Dacwad oogaha dowladda Pakistaan Isthiaq A. Khan ayaa sheegay in go’aanka maxkamadda kaddib Musharaf uu yahay qof xor ah, maxkamaddii gaarka ahaydna ay laashay maxkamadda magaalada Lahore ee dalka Pakistan.

Dacwad oogaha matalayay dowladda Pakistaan ayaa sidoo kale sheegay in dacwadda laga gudbiyay Musharraf iyo dhammaan geedi socodkii dacwadda iyo maxkamaddii qaadeysayba ay yihiin waxba kama jiraan aan dastuuri ahayn.

Goor sii horreysay oo maanta ah qareenka Musharraf oo warbaahinta kula hadlay maxkamadda horteeda ayaa tilmaamay in macaamiilkiisa dacwaddii loo heystay la baabi,yay oo hadda uu yahay xor.

Madaxweynihii hore ee Pakistan Parvez Musharraf ayay maxkamadda hadda la baabi,iyay bishii December ee sanadkii tagay ku ridday xukun dalalaad ah isaga oo maqan, kaddib eedo la xiriira khiyaano qaran iyo in majaxaabinayay dastuurka dalka Pakistan.

Go’aanka ayaa si kala duwan looga arkay dalka Pakistaan, iyada oo saraakiisha sare ee ciidanka Pakistaan iyo dowladdaba ay aad u dhaliileen xukunka.

Qayb ka mid ah xukuna oo tilmaameysay in Musharraf meydkiisa muddo saddax bari ah laga soo laalaadiyo baarlamaanka haddii uu dhinto xukun fulinta ka hor ayaa si weyn loo dhaliilay.

Wasiirka sharciyada dalka Pakistan ayaa qaybtaas ku tilmaamay mid aan wali la arag oo aad looga naxo.

Wasiir Naseem Farogh ayaa ku baaqay in xilka laga qaado garsooraha qaybtaas ku daray oo uu ku tilmaamay mid aan maskax ahaan fadhin.