Maxkamad ku taalla dalka Canada ayaa dambi afduub ah ku heshay Cali Cumar Adeer oo ah 40 sano jir Soomaali ah oo 9 sano ka hor la sheegay inuu ka qeyb qaatay fal afduub ah oo Muqdisho loogu geysto Amanda Linhod, oo ah gabar u dhalatay dalka Canada iyo sawir qaade u dhashay dalka Australia oo lagu magacaabo Nickel.
Xaakimka Maxkamadda ayaa ku dhaawaqay in Cali Cumar, lagu helay dambiga ah afduubka labada qof hase ahaatee uu ka been sheegay kiiska, wuxuuna sheegay keliya inuu ahaa turjumaan.
Kiiska ninkan lagu helay ayaa waxa uu soo baxay kadib markii saraakiisha dambi baarista qarsoon ee wareysatay uu u sheegay in Toban kun oo Dollar oo madax furasho ahaan loo siiyay, kadib markii uu ka dalaalay dhinacyada, waxaase Maxkamadda uu ka dhex sheegay isaga laftirkiisa in loo heystay afduub.
Xukunka rasmiga ah ee Cali Cumar ayaa ah sida warbaahinta qaar ay qorayaan xabsi daa’in kaasi oo la filayo in lagu dhawaaqo sanadka soo socda 2018-ka.
Cali, ayaa gudaha dalka Canada lagu qabtay 2015-kii.
Amanda Linhod, ayaa shalay oo Arbaco aheyd waxa ay Maxkamadda ka hor sheegtay iyada oo ilmeyneysa markii ay aragtay Cali Cumar Adeer in ay dhowr jeer la kulantay faraxumeyn, la garaacay, loona hanjabay, islamarkaana laga wareejiyay dhowr jeer goobtii afduub ahaanta loogu heystay, Gabadhaasi wariyaha ah Hooyadeed iyo dadka reer Canada ayaa dhaqaale ay uruuriyeen Madax furasho loogu soo daayay.
9 sano kahor ayaa Gabadhan waxaa lagu afduubtay magaalada Muqdisho sanadkii 2008-dii, markaasi oo ay wada shaqeynayeen wariye Madax banaan, waxaana labadoodaba madax furashadii dhaqaalaha aheyd ee la uruuriyay lagu soo daayay sanadkii 2009-kii bishii November.