Maxkamadda sare ee dalka Rwanda ayaa Duqii hore ee magaalo ku ridday xukun xabsi daa’in ah kaddib markii lagu helay in uu kaalin ka qaatay xasuuqii dalkaas ka dhacay sannadkii 1994.
Waxyaabaha ay dacwad oogayaashu ku eedeeyeen ayaa waxaa ka mid ah in uu horkacayay weeraro ka dhacay magaaladiisii oo ay ku dhinteen dad gaaraya 250,000 oo u dhashay qowmiyadda Tutsiga.
Ladislas Ntaganzwa, ayaa ka mid ahaa ragga sida weyn loo doondoonayo sababo la xiriira kaaliintii uu ka ciyaaray xasuuqa dad gaaraya 800,000 oo kun oo u badnaa qowmiyadda Tutsiga wallow ay ku jireen Hutu qunyar socod ah.
Dalka Jamhuuriyadda Dimuqaraadiga ee Congo ayaa lagu qabtay sanadkii 2015 kaddib sanado badan oo uu baxsad ka ahaa caddaalada dalka Rwanda iyo mid heer caalamiba ah.
Qoraal ka soo baxay dacwad oogayaasha Rwanda ayaa lagu sheegay in lagu helay dambiyada kala ah; xasuuq, dabarjar kufsi oo dhammaantood ah gaboodfallo ka dhan bini aadanka laguna xukumay xabsi daa’in.
Ntaganzwa oo madaxiisa ay dulsaarneyd 5 milyan oo doollar ayaa maxkamadda ay Qaramada Midoobay taageerto waxay ku eedeysay in uu si shakhsi uga qayb qaatay leynta dad gaaraya 800 oo Tutsi ah oo lagu dilay goobo kala duwan oo Rwanda ah.
Si gaar ah waxaa loogu helay in uu gumaaday dad Tutsi oo magangalay kaniisad ku taalla Koonfurta magaalada Nyakizu halkaa oo uu ka ahaa duq magaalo.
Waa qofkii saddexaad oo mara habka maxkmadeynta caalamiga ah ee gudaha Rwanda oo ay taageero Qaramada Midoobay loona soo gaabiyo (MICT).