Heerka wasakheynta hawada ayaa lagu soo warramayaa in uu hoos u dhacay guud ahaan caalamka tan iyo markii uu dunida ku faafay xanuunka corona.
Isbadelkan ayaa la sheegay in aad looga dareemay dalal ay kamid yihiin Shiinaha iyo Talyaaniga oo uu aad u saameeyay xanuunka corona.
Cilmibaareyaal ku sugan Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay in qaaca hawada ku baxa ee laga sii daayo gadiidka kala duwan iyo warshadaha uu hoos u dhacay boqolkiiba konton.
Arrintan ayaa loo sababeynayaa tallaabooyinka ay qaadeen dalal dhowr ah oo ay kaga hortagayeen faafidda xanuunka corona.
Waxaa bandow lagu soo rogay dalal badan oo caalamka ah oo uu ka dilaacay dilaacay xanuunka, waxaana taasi ay keentay in dadka aysan kaxeynin baabuurta oo qaaca ay sii deyn jireen uu yaraado, albaabada la isugu dhufto warshada badan oo caalamka oo uumiga ay hawada kusii deyn jireen ay aad u yaraatay, maadaama aysan dad badan aysan shaqo tagin.
Sidoo kale shirkado badan oo ah kuwa duulimaadyada ayaa hakiyay duulimaadyadii ay sameyn jireen, waxaana taasi ay yareysay wasakheynta ay diyaaradahaas hawada ku sameyn jireen.
Sida ay qortay jariiradda wax ka qorta arrimaha cimilada ee Carborn brief, hoos u dhac dhanka tamarta oo dhan 25 boqolkiiba ayaa laga dareemay dunida, taas oo ka dhigan in gaadiidka kala duwan sida baabuurta, maraakiibta, warshado, diyaarado iyo tareeno badan aysan shaqeynin xanuunka awgii.
Dalalka Shiinaha iyo Talyanaiga ayaa ah dalalka ugu badan ee laga dareemay hoos u dhaca waxyaabaha wasakheeya hawada, maadaama labadaasi ay yihiin kuwa uu aadka u saameeyay xanuunka corona, ayna gaartay in bandow lagu soo rogo.
Warshado badan oo ku yaalay gobolka Hubei ee dalka Shiinaha ayaa la xiray, waxaana taasi ay keentay in uu aad u yaraado qaaxii ay kusii deyn jireen hawada.
Dalka Siinaha waxaa sidoo kale sare u kacay helitaanka “hawa tayo leh” oo ay dadku ku noolaan karaan, waxaana ku darsamay 21.5 boqolkiiba, waxayna aad uga duwan tahay heerkii ay joogtay sanadkii hore.
Sidoo kale sawiro dayax gacmeed lagu qaaday oo ay soo bandhigeen hey’adaha saadaasha hawada ee Mareykanka iyo Yurub ayaa muujinaya in hoos u dhac aad u badan uu ku yimid uumiga ay sii daayaan gaadiidka iyo warshadaha dalka Shiinaha iyo dalal badan oo caalamka.
“Waa markii iigu horeysay oo aan arko hoos u dhac intan la eg,” ayuu yiri Fei Liu oo ah cilmi-baare katirsan hey’adda NASA ee dalka Mareykanka.
Wargeyska The Financial Times ayaa sidoo kale kusoo warramay in diyaarado gaaraya 80 kun ay joojiyeen duulimaadyadii ay sameyn jireen, oo micnaheedu tahay in qaacii ay hawada kusii deyn jireen uu meesha ka baxay.
Diyaaradaha caalamiga ah ee joojiyay duullimaadyada waxaa ka mid ah, Emirates, Delta, Qantas, Lufthansa iyo kuwa kale oo badan oo yareeyay safarada sida KQ, British Airway iyo kuwo kale.
Inkastoo aanan marnaba la inkiri karin saameynta dhaqaale, midda caafimmaad ee uu xanuunka ku reebay dunida, haddana waxaa muuqata in tallaabooyinkii la qaaday ee la doonayay in looga hortago xanuunka ay ka dhasheen faaidooyin aanan marnaba lagu fikirin, sanadihii dambena ay adkeyd in la arko.
Waxaa sanadihii dambe aad isu soo tarayay walaaca laga muujinaya isbadelka cimilada oo khubarada arrimaha deegaanka ay sheegeen in haddii aanan wax laga qabanin saameynta ka dhalata la dareemi doonaa.
Dad badan oo u dhaqdhaqaaqa arrimaha deegaanka ayaa aaminsan in loo baahan yahay in sida dadka bani’aadamka ay uga taxadareen noolashooda iyo caafimmaadkooda si lamid ah loogu baahan yahay in loo ilaaliyo cimmilada, waxna laga qabto isbadelka cimilada.
Xigasho: BBC Somali