Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed

82

Addis Ababa – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Addis-ababa kulan doceed kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Kulan doceedka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa ku saabsanaa sxog wareysi dhanka xaaladda Gobolka Geeska Afrika iyo xiriirka labo geesoodka ah ee labada dal oo ay saldhig u tahay daris wanaag, isixtiraam iyo xoojinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab, sida lagu xusay qoraal kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa dhawaan loo doortay marka kale inuu dalka Itoobiya hogaamiyo shanta sano ee soo socota isagoo shalay loo dhaariyay xaafiska.

SHARE