Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Abiy Axmed

606

Jabuuti: Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula qaatay magalaada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed halkaasi oo ka furmayo maanta shir ay yeelanayaan madaxda Urur Goboleedka IGAD.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inuu ku faraxsanahay in uu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa sheegay in ay Madaxweyne Farmaajo ka wadahadleen isbedeladii u dambeeyay ee gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dalalka IGAD.

“Sidoo kale waxaan ku faraxsanahay inaan la kulmay oo aan kala hadlay @M_Farmaajo isbedeladii u dambeeyay ee gobolka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya dalalka IGAD”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Abiy.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaan wali ka hadlin kulanka dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed.

Shirka aan caadiga ahayn ee madaxda dalalka IGAD ee ka furmaya Jabuuti ayaa diirada lagu saarayaa arrimaha gobolka gaar ahaan isbeddeladii iyo xiisada Gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, xiisaada diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya oo xiriir kala goostay dhawaan.

Shirka ayaa sidoo kale lagu fallanqeyn doonaa xoojinta iskaashiga ka dhexeeya dalalka IGAD.