Maxay ka wadahadleen Axmed Madoobe iyo Safiirka UK ee Soomaaliya

613

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta safiirka UK ee Soomaliya Benfender kula kulmay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Safiirka UK iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka wadada hadley xaalada guud ee dalka, Doorashada 2020/2021, Xiriirka Dowlada federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in nooca doorashada 2020/2021 loo baahanyahay in ay noqoto mid dastuurka waafaqsan Soomaaliduna ku wada qanacsantahay, taas si loo xaqiijiyana ay u baahantaahay in loo maro wadada ugu munaasibsan ee ay bulshada Soomaaliyeed ku wada qanacsanyihiin, hor u socodka dalka iyo nidaamka dowladnimana laga dhex arki karo.

Safiirka Dowlada Ingiriiska ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xiriir wadashaqeyneed iyo isfahan rasmi ah ay gaaraan Dowladda federaalka iyo Dowladaha xubnaha ka ah, si horumar dhankasta uu dalku u gaaro doorasho loo wada dhanyahayna dalka uga dhacdo taas oo uu safiirku si gaar ah madaxweynaha uga codsadey inuu uga shaqeeyo sidii xalwaara looga gaari lahaa arrintaas.

Axmed Madoobe ayaa safarkii ugu horreyay ku tagay toddobaadkaan tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Jubbaland kaddib doorashadii muranka badan dhalisay ee bishii Agoosta dhacday.