Muqdisho (UM) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan kula yeeshay magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Labada hoggaamiye ayaa ka wadahadlay xoojinta xiriirka labada dal, nabadgelyada gobolka iyo dardargelinta is-dhexgalka dhaqaalaha Geeska Afrika.
Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa madaxweyne Farmaajo kala hadlay sidoo kale sidii xiriirkii diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya dib loogu soo celin lahaa.
Dhanka kale, waxaa la filayaa in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo madaxweyne Farmaajo ay goor dhaw u duulaan magaalada Nairobi ee dalka Kenya si dib loogu soo celiyo, loona xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.
Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa ka dhex taagan xiisad diblomaasiyadeed oo meel xun gaartay kaddib markii Kenya ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeysay in ay ceelal shidaal oo ku yaalla dhulka xuduuda badda Soomaaliya ee ay Kenya sheegaynaso lagu xaraashay shir dalka Ingiriiska ka dhacay bishii hore.
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay eedeynta Kenya waxa ayna sheegtay in ka war sugayso go’aanka maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda. Kenya ayaa ku amartay safiirkii Soomaaliya ee Nairobi inuu dalka ka baxo waxa ayna u yeeratay safiirkeeda Soomaaliya u fadhiyay.