Madaxwaynaha talada haya ee dalka Turkiga Raccep Tayyip Erdogan ayaa Ku guulaystay in marlabaad loo doorto xilka madaxtinimada dalkaasi.
Sidoo kale Isbahaysigiisa ayaa Ku guulaystay inta badan kuraasta baarlamaanka dalkaasi.
Haddaba maxay ka dhigan tahay guusha madaxwayne Erdogan?
Madaxweyne Erdogan ayaa heli doono awooda ballaaran sida ku cad dastuurka cusub ee Turkiga. Isbadelladan ayaa lagu meelmariyay afti sanadkii la soo dhaafay dalkaasi ka dhacday oo lagu ansixiyay 51% codadkii la dhiibtay. Awoodaha cusub ee madaxweynaha waxaa ka mid ah:
- Inuu si toos ah u soo magacaabi kara mas’uuliyiinta sarsare sida wasiirada iyo madaxweyne ku xigeennada
- Awood uu u leeyahay inuu faragelin ku sameeya hanaanka caddaaladda dalkaasi
- Inuu xaalad deg deg ah dalka ku soo rogi kara
- Waxaa sidoo kale meesha laga saaray xilka ra’iisalwasaaraha ee dalkaasi.