Maxawaynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyay K/Gaalkacyo [Sawiro]

725

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug.

Soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug sida Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle, Wasiiro, iyo Xildhibaano iyo dadweyne faro badan.

Wafdiga uu horkacayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda booqdaan magaalooyin ka tirsan Galmudug.

Ammaanka guud ahaan maamul goboleedka Galmudug ayaa la adkeeyay iyadoo ciidamo badan lagu arkayo inta badan magaalooyinka Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo ayaa booqasho uu ku joogay maalmihii la soo dhaafay dowlad goboleedka Puntland uu soo gabagabeeyay waxaana booqasho uga bilaabatay maanta deeganada Galmudug.