Maxamuud Cabaas oo Xamaas ku eedeeyay Qaraxii lala beegsaday Ra’iisul wasaaraha Falastiin

719
Madaxwaynaha Maamulka Falastiin Maxamuud Cabaas Abuu Maasin (Xuquuqda Sawirka Mohamad Torokman/Reuters]

Madaxwaynaha maamulka Falastiiniinta Maxamuud Cabaas Abuu Maasin, ayaa kooxda Xamaas ee maamusha magaalada Qaza, waxaa uu Ku eedeeyay inay ka dambeeyeen weerarkii bambaano dhowaan lala beegsaday koloyo Gaadiid ah oo uu la socday ra’iisul wasaaraha maamulka Falastiiniinta.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay

Inkastoo Ra’iisul wasaaraha uu ka badbaaday qaraxa ayaa haddana waxaa dhaawacyo ay ka soo gaareen ilaa iyo Shan qof.

Maxamuud Cabaas Abuu Maasin ayaa Qaraxaasi waxaa uu sheegay in ay ka dambeeyeen kooxda Siyaasadda iyo qadiyadda Falastiiniinta kula loolanta ee Xamaas.

Cabaas, ayaa sheegay in maamulka Falastiiniinta ee ay majaraha u hayaan kooxda Fatax aysan Rabin baariyaanka Xamaas ay arinta qaraxa ay Ku samaynayso.

“Waxba ugama baahnin Xamaas, uma baahnin baaritaankooda, uma baahnin macluumaadkooda, waana ognahay inay Xamaas ka dambaysay qaraxa lala beegsaday ra’iisul wasaaraha maamulka Falastiiniinta Rami Hamdallah”, Maxamuud Cabaas ayaa sidaasi ka sheegay Kulan mas’uuliyiinta reer Falastiin ay maanta isugu yimaadeen kaasi oo ka dhacay magaalada Ramallah oo Ku taala Daanta Galbeed ee Wabiga Urdon.

Ka dib Qaraxaasi Kooxda Xamaas ayaa beenisay inay ayagu weerarku wax lug ah Ku lahayn ayagoo sidoo kale cambaareeyay.