Maxamed Xuseen Rooble oo loo magacaabay R/Wasaaraha cussub ee Soomaaliya

181
Maxamed Xuseen Rooble ayaa loo magacaabay Raiisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, waxa uu beddelaya Xasan Cali Khayre. Sawirka: Villa Somalia

Muqdisho – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay Wasiirka Koowaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii Golaha Shacabku ay kala laabteen kalsoonida Xukuumaddii hore 25-kii Luuliyo 2020.

Madaxweynaha oo la-tashiyo badan ka sameeyey ayaa maanta oo ay taariikhdu that 17ka Sebteembar 2020, Xeer Madaxweyne ku magacaabay Mudane Maxamed Xuseen Rooble xilka Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isaga oo ku soo xushay aqoonta, waayo aragnimada iyo kartida uu u leeyahay inuu sii ambaqaado dadaallada dowlad dhiska iyo horumarinta qorsheyaasha Qaran, sida lagu xusay wareegtada Xaafiiska Madaxweynaha.

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray Raiisul Wasaare Rooble In uu deg-deg ku soo dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka horseedda in ay ka dhaqan geliso doorasho, dadaal muuqdana gelisa sidii loo xoojin lahaa guulaha laga gaaray amniga, dib u dhiska Ciidamada Qalabka sida, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, baahinta adeegyada aas-aasiga ah, kamiro dhalinta dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo musuqmaasuqa.

Madaxweynaha ayaa ku adkeeyey shacabka Soomaliyeed, hey’adaha Dowladda iyo indheer garadka dalka in ay ku garab istaagaan Raiisul Wasaaraha cusub gudashada waajibaadka Dastuuriga ah ee horyaalla, isaga oo ugu duceeyey in uu ka soo dhalaalo masuuliyadda adag ee ku aaddan u adeegidda dalka iyo dadka.

Ra’iisul Wasaaraha cusub, Maxamed Xuseen Rooble oo ah nin ku cusub siyaasadda ayaa waxa uu beddelaya Xasan Cali Kheyre oo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya codka kalsoonida kala noqdeen Xukuumaddisa bishii July ee sanadkaan.

SHARE