Laacibka xulka Qaranka dalka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa markii ugu horaysay ka hadlay xaaladda dhaawicii ku soo gaaray kulankii finalkii Champions League ee Kiev.
Saalax, ayaa balan u qaaday xulka qarankiisa Masar ee koobka aduunka waxaana uu sheegay in uu ka qayb gali doono. Mohamed Salah ayaa sidoo kale u mahad celiyay jamaahiirtiisa fariimaha badan u dirayay.
Mohamed Salah ayaa bartiisa Twitter ka soo dhigay fariin uu kaga hadlay arimahan wuxuuna balan ku qaaday in uu taam u noqon doono koobka aduunka ee xulka qarankiisa Masar. Laakiin Mohamed Salah ayaa qiray in ay waqti adag ku ahayd xalay markii uu dhaawaca kaga baxay kulankii Real Madrid.
Fariinta qoraalka ah oo uu soo dhigay bartiisa twitterka waxa uu ku sheegay in uu habeen adag soo qaatay balse uu yahay dagaal yahan isla markaana uu kalsooni ku qabo in uu u safri doono Russia si uu xulka qarankiisa uga dhigo mid hanwayn.
” Waxay ahayd habeen aad u adag, laakiin anigu waxaan ahay dagaal yahan, waxaan ku kalsoonahay in aan u safri doono Russia si aan dhamaantiin idiinka dhigo kuwo hanwayn. Jecaylkiina iyo taageeradiina ayaa aniga awoodii aan u baahnaa isiinaysa” ayuu tilmaamay Xiddiga xeerka Caalami ee dalka Masar.