Dhaxal sugaha dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan (MBS) ayaa sheegay in xukuumadda Israel ay xaq u leedahay inay difaacato.
Maxamed Bin Salmaan ayaa arintan ka dhawaajiyay xili uu ka hadlay qalalaasihii Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay xadka magaalada Qaza ay lala leedahay Israel.
Qalalaasahaasi ayaa keenay in ciidamada militariga Israel ay toogasho ka dileen in ka badan 16 qof oo reer Falastiiniin ah oo dhigayay banaanbaxyo ay Ku soo beegeen aas-aaskii Israel oo dalalka Carabta loogu yaqaano (Al-Nakba)oo loola jeedo “Musiibo”.
Dhaxal sugaha dalka Sacuudi Carabiya Maxamed Bin Salmaan oo waraysi siiyay mareeg lagu magacaabo The Atlantic magazine, ee ka soo baxda dalka Maraykanka ayaa sidoo Kale sheegay in dalkiisa Sacuudiga uu Israel kala dhxeeyo dano badan.
Waxaad mooddaa in MBS uu yahay nin la safan Israel marka laga hadlayo qaddiyadaha Falastiiniinta iyo Iiraan.
Dhaxal sugaha 32 sano jirka ah ayaa sheegay ” Waxaan Rumaysa nahay in dad walba iyo qof walba ay xaq u leeyihiin inay si Nabad ah ugu noolaadaan Qarankooda” isaga oo ula jeeda Israel.
“Israel waa quwad dhaqaale ayadoo lagu qiimaynayo baaxadeeda iyo waliba korarkeeda dhaqaale, Dabcan waxaa jira dano badan ayaa naga dhaxeeya anaga iyo Israel iyo sidoo Kale haddii nabad la helo waxaa jiri kara dano badan oo ka dhaxeeya Israel iyo dalalka carabta kuwa Khaliijka Ku yaala” ayuu Maxamed Bin Salmaan in taasi Ku daray.
Waxaa uu sheegay sidoo Kale in Israel ay tahay in ay hesho dhul ay leedahay oo nabad ay shacabkeeda ugu noolaadaan.