Maxaad ka taqaanaa amiir Alwaliib bin Talaal?

1557

Saddexdii isbuuc ee aynu soo dhaafnay hadal haynta ugu badan warbaahinta Caalamka waxaa ay ahayd olalaha la dagaalanka musuqmaasuqa dalka Sacuudiga.

Waxaa la xiray mas’uuliyiin iyo ganacsato waa wayn.

Waxaa ka mid ah Al-waliid bin Talal

Haddaba waa kuma Al-Waleed bin Talal?

Magaciisa oo buuxa waxaa lagu magacaabaa Prince Al-waliid bin Talal  bin Abdulaziz al Saud.

Waxaa uu ka mid yahay dadka Caalamka ugu lacagta badan.

Hantidiisa waxaa lagu qiimeeyaa inay gaarayso $18 bilyan oo dollar.

Waa ganacsade guulaystay oo reer boqor ka dhashay.

Waa ninka 48-aad ee dunida ugu qanisan.

Waa milkiilaha Tv-yada caanka ah ee MBC Group ( The Middle East Broadcasting Center)    oo ah telfiishino Aflaanta caanka Ku ah.

Waxaa uu leeyahay 95% Shirkadda la yirahdo Kingdom Holding Company, isagoo sidoo kale ah ganacsadaha iska leh saamiga ugu badan shirkadda Citigroup.

Waa ninka labaad ee ugu saamiga badan shirkadda la yirahdo 21st Century Fox.

Waxaa uu leeyahay Hoteelka Four Seasons Hotel George V ee magaalada Paris ku yaala iyo sidoo kale Plaza_Hotel.

Amiir Al-waliid bin Talal waa bilyeeneer Saami badan ku leh shirkadda Caalamiga ah ee Twitter oo ka mid ah kuwa ugu caansan Caalamka.

Waxaa Majaladda The Times, ee kasoo baxda dalka Maraykanka ku qiimaysay inuu ka mid yahay liiska dadka ugu samaynta badan Caalamka.

On 4 November 2017 Waxaa uu ka mid noqday mas’uuliyiin ka soo jeeda qoyska reer boqor ee Sacuudiga loo xiray eedaymo ku aadan hanti lunsasho iyo musuqmaasuq.

Xiritaankiisa waxaa uu gilgilay dhaqaalaha Aduunka.

Nolashiisa

Waa 62  Sano jir magaalada
Jeddah, ee dalka Sacuudiga ku dhashay  7 bishii Maarso sanadkii  1955-tii.

Waxaa dhalay amiir Talal bin Abdul-Aziz al-Sacuud.

Aabihiisa waxaa muddo fog lagu naaneesi jiray ” Red Prince” Amiirkii Guduudnaa.

Hooyadiis waxaa lagu magacaabi jiray Mona Al Solh, oo uu dhalay ra’iisul wasaarihii ugu horeeyay ee dalka Lebanon ee Riad Al Solh.

Ayeeyadiis Munaiyir, oo ah haweenayda dhashay hooyadiis waxaa ay kasoo jeeddaa dalka Armenia.

SHARE