Muuqalkooda guud waxaa ka muuqda dayac iyo dhibaato badan, balse waxa ay muujinayaan niyad wanaagsan maadaama ay heleen Qaran iyo Dowlad u soo gurmata sida ay warbaahinta u sheegeen.
Maxamed waxa uu ka mid yahay 11-ka Qof ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka soo deysay xabsiyo ku yaalla dalka liibiya, halkaas oo dhibaatooyin kala duwan ay ku heysteen.
Warbaahinta ayuu u sheegay in dhibaatooyinkii kusoo maray dalkaas Liibiya ay si weyn u wax yeeleeyeen hankiisa iyo nolashiisa, balse maanta uu ku suganyahay mid taas ka duwan.
“Markii xabsi shisheeye adiga oo ku jira ay kuu yimaadaan masuuliyiin ka socda dalkaaga, waxa aad dareemaysaa in aad leedahay dowlad kaa warqabta oo dhibaatada kaa soo saari karta, taasina waxa ay ka qiima badantahay hanti waxa adduunka yaalla.” Ayuu yiri
Dadkan 11-ka qof ah ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho waxaa ka mid ah qoys ka kooban 6- qof oo qaar ay carruur yihiin, dhammaantoodna ay ku jireen xabsi ku yaalla dalka Liibiya.
Aabaha qoyskan ayaa isaga oo ilmeynaya waxa uu sheegay in uu uga mahad celinayo Madaxda Dowladda Federaalka ah sida ay uga soo saareen godka mugdiga ah ee ay ku jireen isaga iyo carruurtiisu.
Sidoo kale, waxa uu ka warbixiyey dhibaatooyin kala duwan ee lagu hayo dadka Soomaalida ah markii ay gaaraan dalka Liibiya, isagoona sheegay in si murugo badan ay u geeriyoodeen dhallinyaro wax badan tari lahaa dalka.
Inkasta oo ay hor dhac tahay, hadana dib u soo celinta dadkan waxa ay noqotay mid si weyn looga hadal hayo baraha bulshada, iyadoona si gaar ah loogu boggaadinayo Madaxaweyne Maxamed Cabullaahi Farmaajo dadaalka xooggan ee uu ku bixinayo iyo sida uu ugu jiheeyey Xukuumadda in ay deg deg wax uga qabato dhibaatada dhallinyarada Soomaaliyeed ku haysta dalka Liibiya.
Madaxwayne Farmaajo ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxaa uu farxad Ku tilmaamay dadkan Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan ugu xirnaa xabsiyo kala duwan oo Ku yaala dalka Libya.
Farxad bay noo tahay in muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku jiray xabsiyada Libya aan dib ugu soo celino dalka. Waxaa naga go’an in qof Soomaali ah uusan ku rafaadin dal shisheeye. Dowladdu waxay xoogga saareysaa sidii fursado shaqo loogu abuuri lahaa dhallinyaradeenna. #NabadIyoNolol pic.twitter.com/zDsvKBeOX8
— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) February 17, 2018