Maxaabiis Soomaali ah oo Seychelles ku xirnaa oo dalka dib loogu soo ciliyay

973

Maxaabistan oo Tiradooda gaareysay Todobo Dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku Xirnaa jaziirada Seychelles ayaa maanta dib loogu soo celiyay dalka.

Waxaa  Garoonka diyaaradaha  Aadan Cadde, ee magaalada Muqdisho,  ku Soo dhaweeyay Wasiirka Cadaalada, Taliyaha Ciidanka Asluubta  Soomaaliyeed, Xeerilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xubno ka tirsan Aqalka Sare.

Maxaabiistani ayaa 6 ka mid ah xabsiga Ku dhameysan doona  dalka, halka qofka todobaad la sii dayay maadaama uu soo dhameystay mudada xabsiga uu ku  xukunaa.

Taliyah Ciidanka  Asluubta   Xuseen Xasan Cusmaan,  ayaa sheegay  in tallaabo Wanaagsan ay tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku Xiran dunida daafaheeda kala duwan.

Xeerilaaiyaha Guud ee Qaranka  Axmed Cali Dahiir, oo halkaasi ka hadlay ayaa Xusay in Maxaabiis kale khamiista ay ku soo Wajhanyihiin dalka si dalkooda ay ugu dhamestaan  Xukunnada  u dhiman.

Wasiirka Caddaaladda ee  Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji,  ayaa tilmaamay in Wasaaradda Cadaaladdu oo kaashaneyo Xeerilaaliyaha guud ee Qaranka iyo Wasaradda Arimaha Dibadda ay ku mashquulsan tahay in dalka dib loogu soo celiyo maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran wadamada dibadda.