Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ahna Qunsulka safaaradda Cali Maxamed (Cali Bagadi) ayaa la kulmay Afar ka mid ah Maxaabiis Soomaaliyeed oo mudo Sideed sano ah ku xirnaa xabsiyo ku yaalla Magaalada Nairobi.
Cali Bagadi ayaa markii uu booqday xabsiga wuxuu la kulmay Madaxda xabsiga, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku saabsan xaalada ay ku nool yihiin Maxaabiista Soomaaliyeed, isaga oo intaas kadib kormeer ku soo sameeyay xabsiga.
Nuur Cali Maxamed iyo C/raxmaan Ciise oo ka mid ah Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Kenya oo dareenkooda ka hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin inuu soo booqdo Danjire Cali Bagadi, waxayna tilmaameen in dowladda Soomaaliya ay ka war heyso.
Cali Maxamed Sheekh (Cali Bagadi), sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya ahna Qunsulka safaaradda oo raggan u geeyay dhar labis ah oo ay xirtaan ayaa dhankiisa sheegay in laga jawaabayo amarka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ee ah in laga war hayo xaalada Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Kenya.
“Halkan oo ay ku xiran yihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo tiradooda ay gaareyso Afar, oo runtii lagu soo eedeeyay falal burcad badeednimo ah, maanta ayaan ugu nimid booqasho, iyada oo laga jawaabayo amarkii Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wsaaraha ee ahaa in laga war hayo xaalada Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran dalka dibaddiisa, waxaa kaloo jirta dhawaan in la soo deyn doono Maxaabiis kale, kuwaasi ayaana ugu dambeyn doono Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Kenya.” Ayuu yiri Danjire Cali Bagadi.
Dhalinyaradan oo lagu soo eedeeyay falal burcad badeednimo ah ayaa hada dhameystay xukunkooda, waxaana todobaad kadib ay imaan doonaan dalkooda hooyo, si ay dib ula midoobaan eheladooda.