Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa Magaalada Garowe kulan kula qaatay Wafdi ka socday Qaramada Midoobey oo maanta gaaray Magaaladaasi, kaasi oo uu hogaaminayay wakiilka gaarka ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.
Gaas iyo Keating oo si wadajir ah ula hadlay Warbaahinta kulanka ka dib ayaa waxa ay sheegeen in ay ka wadda hadleen sidii loo horumarin lahaa Soomaaliya.
Cabdulwali Gaas ayaa sheegay in ay ka wadda hadleen arrimaha Siyaasadda iyo Horumarinta Puntland.
Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen xiisadaha colaadeed ee u dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland iyo waliba sidii colaadda looga fogaan lahaa.
Keating Waxaa uu sidoo kale uu sheegay in uu Puntland ay ka taageeri doonaan dhanka Ammaanka,islamarkaana ay diiradda Saareen sidii taageero loo siin lahaa Ciidamada Puntland.