Muqdisho (UM) – Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa kula kulmay magaalada Istanbul Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan kaddib markii uu soo gabagabeeyay booqashadiisa dalka Talyaaniga.
Madaxweynaha waxuu ku sheegay bartiisa Twitter-ka in ay ka wadahadleen sidii loo xoojin lahaa Xiriirka labo geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Turkiga ka dhaxeeya. Waxaa uuna ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa madaxweynuhu in Turkiga ay tahay saaxiib muhiim ah oo gacan ka qaadanaysa dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.
A pleasure to meet with President @RT_Erdogan in #Istanbul today. We discussed how to further strengthen our strong bilateral relations through increased Win-Win cooperation. Turkey is a valuable partner in Somalia's development and progress. pic.twitter.com/4Lia7Hajjy
— Mohamed Farmaajo (@M_Farmaajo) November 23, 2018
Marka la eego waxa Turkigu Soomaaliya ka qabteen, Madaxweyne Farmaajo dareenkiisa waa mid ay ummmadda Soomaaliyeed ay la wadaagto laakiin ay walwal ka qabi karaan maadaama wixii Xukuumadda ka soo baxa iyo ficilada siyaasadeed aysan is lahayn.
Turkiga waa dalka kaliya oo xiriir balaaran oo nuuc walba ah laleh Soomaaliya. Turkiga waa dal Soomaaliya ku aamminay in qasnada dowladda dhexe ay ku shubto lacag Miisaaniyadda dowladda kaabaysa in ka badan saddex sanno. Taasi, waxa dheer in ay bixiyaan deeqaha waxbarasho ee ugu badan, isbitaaladooduna ay yihiin kuwa ugu tayada wanaagsan Muqdisho iyo in ciidankeena qeybihiisa kala duwan ay ku tababaraan Soomaaliya gudaheeda iyo waliba Turkiga. Diyaarada Turkish Airlines ayay madaxda dowladda Soomaaliya ku safraan marka ay u baxayaan safarada dibadda. Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in dowladda Soomaaliya ay is weydiiso sababtii ay madaxa ula gashay arrinta Turkiga iyo Sacuudiga ka dhex taagan ee ku saabsan kiisa dilka Suxufigii Sacuudiga u dhashay ee Jamal Khashoggi.
Hal maahee labo mar ayay dowladdu si ka fiirsasho la’aan ah ay u siidaysay war Saxaafadeed ay Sacuudiga uga xigsanayso Turkiga. Arrintani ma ahan kiisa ay ahayd in Soomaaliya soo farageliso laakiin fudaydka dowladda waxa ay u keentay xushmad darro iyo ceeb siyaasadeed oo waliba ka soo horjeeda sharciga xaquuqul insaanka ee ay dowladda saxiixday. Madaxweyne waxa ay ummadda Soomaaliyeed kaa rajaynayaan in aad Madaxweyne Erdogan ka raali-geliso qaladaadka siyaasadeed oo qoraalkaan ku cad ee fogaynaysa Turkida.
Madaxweyne Farmaajo waa in uu ogaadaa in siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya aysan fadhinin oo ay ceeb uun soo wado maalinba maalinta ka dambaysa haddii aan wax laga beddelin maamul xumada siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya haysata.
Inta diyaaradaha iyo safar dibadda ah lagu wada ordi lahaa waxaa muhiim ah in dowladdu ay ka jawaabto siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya waa maxay? Arrintani waa su’aasha ay ku jahwareereen dalalka saaxiibka nala ah oo ay ka mid tahay dowladda Turkiga.