October 29, 2017- Muqdisho – Maahan wax la aqbali karo ama caqliga toosan rumaysan karo, in 14 cisho gudahood dad kun ku dhow lagu laayo magaalada Mugadishu, in ka badan shan boqolna lagu dhaawaco.
waddada Makka mukkarrama oo dherarkeedu ka badnayn 5 km in dhibkaas oo dhan ka dhaco ayaa ah wax caqli ahaan aanan la dulqaadan karin .
Hay’addaha amniga oo tiradoodu 30- kun kor u dhaafayso in ay sugi waayaan 5 km amnigeed wax la rumaysan karo maahan, ee halkee wax ka qaldan yihiin?
Xukuumadda waxaa looga baahan yahay in ay jawaab cad shacabka ka siiso halka sartu ka qurunsantahay?
Waxaa is weydiin leh sababta ilaa iyo hadda mas’uuliinta xukuumaddu ay noogu sharraxi weysanyihiin sababta arrimahaan u dhacayaan? iyo cidda waajibkeeda gudan weysay tallaabadii laga qaadi lahaa?
Sidaan dowladdu kuma ahaaneyso dowlad, shacabkuna kuma ahaanayo kuwa xukuumaddooda ku kalsoon, ee fashalka dhacay waa in mas’uulayaddiisa ay qaadato cidda ka mas’uulka ah.
Ciidanka Amisom oo 20 kun gaaraya iyo 30 ka kun ee ciidanka qalabka sida ee soomaaliya in ay 5 km waddo ah amnigeeda sugi waayaan caqli gal maahan, ee sida wa u jiraan hala shaaciyo.
W/Q Yuusuf Xassan