Siyaasi Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo ku magac dheer Yariisoow ma aha nin ku cusub saaxadda siyaasadda Soomaaliya, waxana uu muddo la soo shaqaynayey dawladihii kala danbeeyey ee soomaray Soomaaliya isagoo soo qabtay xilal kala duwan oo ay ka mid ahaayeen kuwo wasiirnimo oo dhawr ah.
Sidoo kale, MudaneYariisoow waxauu muddo ka soo shaqaynayey arrimaha bulshada isagoo kaalin firfircoon oo hogaamineed ku lahaa dhaq dhaqaaqyada.
Guddoomiyuhu waxa uu soo noqday, Wasiirka Warfaafinta, Afhayeenka Madaxtooyada iyo Xukuumadda, Agaasimaha Madaxtooyada, La-taliye Madaxweyne iyo Ra’iisulWasaare, isagoo sidoo kale 10 sano ka shaqaynayey Dawladda Hoose ee magaalada London ee dalka UK.
Marka la eego khibraddiisa shaqo waxaa kuu soo baxaysa inuu yahay qofku habboon xilka loo magcaabay,gaar ahaan khibraddiisa dhinaca Dawladaha Hoose. Sidoo kale, waa nin aqoon durugsan u leh maaraynta iyo maamulka, waxaana uu culuum kala duwan ka bartay Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed iyo dhawr Jaamacadood oo Ingiriiska ku yaalla.
Siyaasi Qaan-gaar ah
Marka laga tago aqoonta Jaamacadeed iyo shaqo ee uu leeyahay Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan, waxaa u dheer inuu yahay siyaasi gaamuray oo si wanaagsan u garanaya waaqicadalku marayo iyo duruufaha caasimadda iyo dalka guud ahaan ku geedaaman. Waa siyaasi qunyar-socod ah, mana aha qof khilaaf badan abuura oo dadkana ay iskahoryimaadaan, waana sabab taaan is leeyahay waa qodobka ugu muhiimsan ee lagu dooran karo marka laga tago naqoontiisa iyo xirfadihiisa.
Maxaa laga filikaraa?
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisoow waxa uu ku soo beegmay xilli xasaasi ah oo ay Soomaaliya maray someel is-bedel ah. Marxaladdan waxaa la jaan qaadi kara qof garashadeeda leh oo xaaladaha iyo duruufaha taagan si waaqici ah u darsi kara, una samaysan sidii uu ula falgeli lahaa caqabadaha tirade badan ee soo food saara.
Caasimadda Muqdisho waxay xarun u tahay hay’adaha dawladda dhexe, waxaana ay leedahay xaaladaheeda iyo caqabadaheeda u gaarka, waana meesha ay ku nool yihiin muwaadiniinta ugu badan ee dalka oo u baahan inay adeeg dawladeed helaan.
GuddoomiyeYariisoow caqabadaha jira ee la doonayo inuu wax ka qabto waxaaka mid ah:
- Ammaanka
Magaalada Muqdisho waxay soo martay marxalado kala duwan oo dhinaca ammaanka ah, waxaana hadda jira rajo iyo ifafaalo weyn oo laga qabo in ammaanka caasimaddu soo hagaago. GuddoomiyeYariisow waxaa laga rajaynayaa in uu la yimaado qaab iyo qorshe lagu xasilin karo caasimadda si horumarka la hiigsanayo loo gaaro.
- Horumarinta iyo Bilicda Caasimadda
GuddoomiyeYariisoow oo aqoon durugsan u leh dhinaca maamulka iyo horumarinta Dawladaha hoose, waxaa dad badan oo caasimadda ku nool ay ka filayaan inuu wax ka qabto dhinaca horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee caasimadda iyo soo celinta bilicda magaalada si ay ula tartanto caasimadaha kale ee gobolka iyo adduunkaba. Sidoo kale, waxaa laga rajaynayaa bixinta adeegyada bulshada, maaraynta dhaqaalaha iyo canshuuraha la qaado.
- Xal Siyaasadeed
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan oo siyaasadda muddo ku soo jiray waxaa looga fadhiyaa sida uu u waajaho arrinta ku saabsan xal-u-helidda meeqaam ka caasimadda iyo sida ay matalaad u heli lahaayeen dadka ku nool caasimadda. Arrintanoo ah mid dastuuri ah oo caqabadeeda leh, ku naxiran dastuurka qabyada ah iyo shaqada baarlamanka, haddana, waxaa loo baahan yahay in loo helo caqli iyo xal maangal ah oo arintan laga gaaro.
Gunaanad
Marka la eego xilliga uu ku soo aaday Guddoomiyaha cusub Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisoow) waxa weeye mid muhiim ah oo la oran karo waxaa la filikaraa is-bedel sal ballaaran oo la taabankaro. Sidoo kale, marka la eego aqoonta iyo khibradda uu leeyahay Guddoomiyuhu waxaa rajo laga qabaa in uu si wanaagsan ula tacaalo caqabadaha jira ee soo faad saari doono, islamarkaana uu waajibaadka loo igmaday u guto.
Waxaa xusid mudan, in guddoomiyeYariisoow uu u baahan yahay taageero iyo inay gacansiiyaan shacabka Soomaaliyeed ee caasimadda ku dhaqan iyo weliba dawladda dhexe. Waxaa kale oo loo baahan yahay in mudanuhu xusho dad karti iyo aqoon leh oo kala shaqeeya arrimaha faraha badan ee culus oo horyaalla.
W/Q:- Ahmed-nur Mohamed
E-mail Axmednuur59@gmail.com