Mas’uuliyiinta Dowladda ee degan Madaxtooyada oo 14 Cisho loo qabtay

142

Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Fahad Yaasiin Daahir,ayaa soo saaray wareegto uu ku amrayo dadka deggan Madaxtooyada Soomaaliya in ay muddo 14 cisho ah uga guuraan.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in dib u dhis lagu sameynayo sidaas darteedna la farayo mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda Soomaaliya in ay banneeyaan Xarunta Madaxtooyada si shaqada dhismaha ah ay u billaabato.

Wareegta uu ku saxiixan yahay Fahad Yaasiin ayaa lagu ogeysiiyay Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada iyo Abaanduulaha Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya,waxaana dadka lagu faray in ay ku guuraan 14 Cisho oo ka billaabatay August 6 kuna eg 22ka Bisha August 2017.

Hoos ka akhriso warqadda amarka ah ee uu soo saaray agaasimaha madaxtooyada 

SHARE