Mas’uuliyiinta beesha caalamka u jooga magaalada Muqdisho ayaa ka qayb galay munaasabad boroor diiq ah oo ay soo abuubushay Dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya.
Waxaa ka qayb galay madaxda xafiiskiisa taageerada Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin Dowladda ka socday iyo diblumaasiyiin.
#AMISOM iyo @UN oo murugada la wadaagaya #Somalia iyagoo tacsi u diray dhibbanayaasha weerarkii argagixisada. https://t.co/b2LGfuYcN2 pic.twitter.com/pjRRSZBKVZ
— AMISOM (@amisomsomalia) October 21, 2017
Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa waxaa ay Midnimo u muujiyeen Soomaaliya ayagoo sheegay in ay garab taagan yihiin Soomaaliya.
Waxaa ay cambaareeyeen weerarkii sabtidii hore ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaasi oo sababay dhimashada in ka badan 358 qof.