Muqdisho – Waxaa maanta lagu saxiixay magaalada Muqdisho heshiis hoosaad ay si wadajir u wada saxiixeen Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Finish, heshiiskaas oo lagu hormarin doono qaar ka mid ah magaalooyinka waa wayn ee Soomaaliya.
Heshiiskaan oo ku kacaya 112 milyan oo doollar Mareykanka ah ayaa lagu talagelay in lagu mashaariic horumarineed looga fuliyo qaar ka mid ah magaalooyinka waa wayn ee Soomaaliya sida, caasimadda Muqdisho, Kismaayo, Baydbabo iyo Garoowe.
Heshiiskaan ay wadajirka u saxiixeen Wasiirka Maaliyadda iyo Duqa Muqdisho ayaa xoogga lagu saari doonaa dib u dhisida waddooyinka mara magaalooyinka kor ku xusan.
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in mashruucaan dibu-dhis loogu sameyn doono Waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda, sidoo kale mashruucaan uu suurageliyay in la helo dadaaladii wanaagsanaa ee loo galwy arrimaha deyn cafinta.
“Waxaan maanta saxiixnay aniga iyo G/Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mashruuc lagu hormarinayo Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho”. Ayuu yiri wasiir Beyle.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dhankiisa sheegay in mashruucaan qeybta magaalada Muqdisho lagu talagelay oo 28 milyan oo doollar ah ka kooban lagu dhisi doono waddooyinka, bulaacadaha ( drainage) iyo buundooyinka ee caasimadda Muqdisho.
Wasiirka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in magaalooyinka harsan ee Dhuusamareeb iyo Jowhar Iyagana mashruucaan laga folin doono wajigiisa labaad marka la diyaariyo.
Mashruucaan maanta la saxiixay ayaa waxaa maalinaya Bangiga Aduunka isagoo ku wareejiyay dowladda Federaalka Soomaaliya in ay maamusho.