Masar: Weerar ka dhacay Sinai oo lagu dilay 8 Askari

985
February 15, 2018 from the strip border town of Rafah in shows a smoke plume rising on the Egyptian side of the border following an explosion. Egypt closed its border with the Gaza Strip on February 9 after Cairo launched a major operation against jihadists in the neighbouring Sinai Peninsula, as its military said days later / Qiiq badan oo laga arkayo goobta weerarka ( AFP PHOTO / SAID KHATIB.

Ciidamada dalka Masar ayaa sheegaya in 8 askari la dilay  15 kalana lagu dhaawacay weerar ka dhacay gacanka  Sinai oo ah saxaro wayn oo Ku yaala xadka dalka Masar uu la leeyahay Israel.

Weerarka ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Sinai ee dalka Masar.

Afhayeenka ciidamada dalka Masar oo lagu magacaabo  Colonel. Tamiir al-Rifaacii, ayaa sheegay in maleeshiyada weeraka soo qaadday ay xirnaayeen sumaanka laisku qarxiyo si ay u jabiyaan xareda ciidamada.

Waxa uu sheegay in dhamaan weeraryannahada dagaalka soo qaday la dilay.

Masar ayaa la daalaa dheceysay dagaalka ay kula jirto kooxaha mucaaradka ee ku sugan magalada Sinai tan iyo markii madaxweynihii hore ee masar Maxamed Musri shan sano ka hor xilka laga qaaday.

Ciidamada Masar ayaa bishii Febaraayo fuliyay howgal milatari oo looga gol lahaa in lagu cirib tiro kooxaha la dagaalamo dowladda.

Weerarkan oo dhacay maanta oo Jimco ah ayaa ah kii ugu waynaa ee dalkaasi Masar ka dhaca tan iyo intii madaxwaynaha dalkaasi Cabdulfataax Elsiisi markii labaad loo doortay xilka madaxtinimo.