Maxkamad Ku taala dalka Masar ayaa xukun xabsi ah waxaa ay Ku riday Sarkaal sare oo ka tirsanaa laanta xisaabiyaha qaranka.
Ninka la xukumay ayaa waxaa lagu magacaabaa Hisham Genena, kaasi oo lagu soo eedeeyay inuu baahiyay warar meel ka dhac Ku ah militariga dalka Masar.
Maxkamadda ayaa maanta Hisham Genena, Ku xukuntay muddo xabsi ah oo gaaraysa 5-sano, sida ay Ku waramayaan warbaahinta kala duwan ee kasoo baxda dalkaasi Masar.
Waxaa maxkamadda Militariga ah ee xukunka riday ay kusoo eedaysay in cadaymo badan oo sir ah uu faafiyay sidoo kalena uu hadal hanjabaad ah Ku hadlay waraysi uu bixiyay.
Bishan Genena, ayaa waxaa uu ahaa madaxii ololaha doorashada ee musharixii xilka madaxtinimo ee dalka Masar Sami Anan, kaasi oo Dowladda ay xirtay 13-kii bishii February ee Sanadkan aynu Ku guda jirno ee 2018-ka.