Masar: Maxkamadda Sare ee Racfaanka oo cilisay kiisaska liiska dad u diiwaan gashan argagaxisanimada

389

Wararka laga helayo dalka Masar ayaa waxaa ay sheegayaan in maxkamadda Sare ee racfaanka dalkaasi ay dib u cilisay kiisaska la xiriira liiska dadka dalkaasi u diiwan gashan inay yihiin kuwo argagixiso ah.

Warbaahinta Masaarida ayaa waxaa ay Ku warameen in maxkamadda Sare ee Racfaanka ay diiday in kiisaskaasi ay ka qaadato wax xukun ah taa badalkeeduna kiiska ay Ku cilisay maxkamadaha Hoose si arinta ay qayb uga noqoto dib u heshiisiinta dalka.

Liiska dadka dalkaasi ugu diiwaan gashan argagaxisanada waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore dalkaasi Maxamed Mursi iyo cayaaryahanka caanka ah ee lagu magacaabo Maxamed Abuu Tariika.

SHARE