Masar: Dil lagu fuliyay 5 qof oo isku qoys ah

895

Mas’uuliyiinta dalka Masar ayaa lagu soo waramayaa inay xukun dil ah Ku fuliyeen Shan ruux oo loo haystay falal dil iyo afduub.

Warbaahinta dalka Masar ayaa waxaa Ku waramayaan in Shanta qof ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ay ahaayeen dad dhammaan ka soo wada jeeda hal qoys.

Xukunka ayaa ka dhacay xabsi Ku yaala Nile Delta kaasi oo la yirahdo Tanta prison, ka dib markii uu xukunka ansaxiyay madaxwaynaha dalkaasi Cabdul Fatax El-siisi.

Shantan ruux ee isku qoyska ah ayaa loo haystay in sanadkii 2013-kii ay afduubeen ka dibna ay dileen gabar 4-sano jir ah.