Marxuum Cali Khaliif Galeyr oo Aas Qaran loogu sameeyay Muqdisho

66

Muqdisho – Waxaa maanta lagu aasay magalaada Muqdisho Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Khaliif Galeyr oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deeganka Soomaalida ee Itoobiya.

Madaxda Qaranka oo uu hoggaaminyo Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka ka qeybgalay salaadda janaasada lagu tukaday marxuumka.

Diyaaraddii sidday Maydka Marxuum Cali Khaliif Galeyr ayaa markii ay soo caga dhigatay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa naxashka marxuumka oo la huwiyey Calanka Jamhuuriyadda ka soo dejiyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo qaadayey Saan-murugeysan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Aaska kaddib si gaar ah ugu tacsiyeeyay qoyska marxuumka oo qaar ka mid ah ay ku kulmeen Janaasada, isaga oo Alle uga baryey samir iyo iimaan, marxuumkana Jannatul Firdowsa hoygiisa ka yeello.

Aaskan Qaran ee loo sameeyay Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Ra’iisul Wasaare kuxigeenka XFS Mahdi Maxamed Guuleed, Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed, Wasiirro, Xildhibaano, Ehelada Marxuumka, Odayaal dhaqan iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Marxuum Cali Khaliif Galeyr Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka ayaa lagu xusuusan doonaa dadaalladii uu ku bixiyey nabadeynta, dib u dhiska dalka, horumarinta iyo samata-bixinta shacabka Soomaaliyeed.

SHARE