Marooko oo Imaaraadka ku eedeysay taageeridda jabhadda Polisario

948

Saraakiil ka tirsan dowladda Marooko ayaa Imaaraadka Carabta ku eedeeysay in ay taageero u fidinayaan jabhadda mucaaradka ee Polisariyo taas oo dooneysa in gobolka galbeedka saxraawi ee dalka Marooko laga gooyo dalkaas sida uu wariyay wargeyska Qudus Al Araby.
Masuuliyiinta dowladda Marooko ayaa si gaar ah u soo qaatay waqti Telefishinka Alxura ee Mareykanka laga leeyahay, balse fadhigiisu yahay Imaaraadka laga siiyay hoggaamiyaha jabhadda gooni u goosadka ee Polisariyo Ibrahim Ghali.

Marooko ayaa rumeysan in Imaaraadka oo ka xun mowqifkii ay Marooko ka qaadatay khilaafka dalalka Khalijka dartiis ay u taageerayaan jabhadda gooni u goosadka ah

Barta wararka daabacad ee Adar ee dalka Marooko ayaa saraakiil Marooko u dhashay ka soo xigatay in Imaaraadku ay tallaabada ay ku taageerayaan jabhadda gooni u goosadka ay u arkaan mid ay ku handadi karaan Marooko. Imaaraadka ayaa lacag iyo shidaal siisa jabhadda Polisariyo si ay uga aargutaan Marooko.

Hoggaamiyaha jabhadda Polisariyo Ibrahim Ghali ayaa wareysiga uu siiyay Telefishinka Alxurra waxa uu ku sheegay in aysan dooneeyn dagaal, laakiin lagu riixayo. Dowladda Marooko ayuu ku eedeeyay in ay iska indha tireysa sharciyadda caalamiga ah.

Mar wax laga weydiiyay in ay rabaan maamul hoosaad madaxbannaan ayuu sheegay in aysan ah Marookaan, laakiin ay yihiin dad u dhashay Galbeedka saxraha ama ay yihiin dad Saxraawiyiin ah sidaas darteedna ay rabaan dal ka madaxbannaan Marooko.