Marnaba Nabadi Ma Jiri Karto, Caddaalad La’aanteed – UM

2313

Muqdisho (UM) – Caddaaladda ayaa waxaa qarniyo badan aad u qeexay aqoonyahano iyo faylasuufyo. Waana mid aad muhiim ugu ah jiritaanka bini-aadanka, oo xitaa haddii aadan qeexi karin waxa ay tahay aad awoodo in aad dareento marka aad la kulanto.

Arrinta wasiirkii hore iyo musharax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa sheeko caddaalad iyo caddaalad darraba. Waa sheeko caddaaladeed maxaa yeelay ugu danbeyntii caddeyn la,aanta waxay go,aamisay xoriyadiisa.Waxay sidoo kale aheyd dhibaato caddaalad darro maadaama muwaadin Soomaaliyeed lagu weeraray gurigiisa iyada oo lagu andacoonayo in la fulinayo amar dawladeed oo looga hortagayo danbi shalay laga bari yeelay.

Caddaaladdu waa dunta iyo laf dhabarta dawlad wanaaga. Dawlad wanaaguna waa ka muhiimsantahay sidii uu horay u ahan jiray maxaa yeelay waxyaabaha mudnaanta u leh dawladaan sida ammaanka, horumarinta dhaqaale iyo adeegyada guud ba waxay ku xiranyihiin dawlad wanaaga. Sinnaan, caddaalad iyo dareen wada-lahaansho guud la,aantood wax kasta oo qoran warqada ay ku qoranyihiin waxba ma dhaammaan mana lahaan karaan qiimo hadii aanay jirin wax kala xadeynaya.

Madaxweynuhu taas waa ogyahay oo waxayba ku jirtay waxyaabaha mudnaanta u lahaa intii uu ku jiray ololaha doorashadiisa, Ra-iisul wasaaraha marnaba kama tago erayga caddaalad khudbihiisa dhadheer oo dhan ee hore usoo jeediyay.

Waxaa jira sheekooyin kala duwan oo ku saabsan sida loo soo qabtay iyo maxkamadeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur, laakiin cida sida dhabta ah u og waxa dhacay waa ciidanka Nabadsugidda ee Nisa. Marka se la qiimeeyo raali galintii wasiirka amniga gudaha mudane Ducaale waxaa soo baxaya in ciidanka Nisa ay hawsha fuliyeen iyaga oo qaba amar ay siiyeen rag sar-sare oo ilaa iyo hadda aan la xaqiijin. Taas waxaa xigay dooddii xeer-ilaaliyaha ee khiyaanada qaran oo maxkamadda looga adkaaday shalay kadib markii ay maxkamaddu xukmisay inay khalad ahayd weerarka lagu qaaday Mr Abdirahmaan iyadoo aan ogolaashiyo loo heysanin.

Ayaandarrada ugu weyn ayaa ah in dad ay naftooda ku waayeen rabshadaan aan micnaha ku fadhin. Warka sheegaya in dadkii la dilay si degdeg ah uu maamulka Gobolka Banaadir ugu aasay xabbaal wadareed ayaa iyadana xaalada sii kicisay. Kala caddeyn la,aanta dawladda waxa ay sii xoojisay fashil dhinaca macluumaadka ah oo dawladda ku dhacay.

Dawladda madaxweyne Farmaajo waxa ay wali heystaa taageero badan, laakiin taasi waa sii yaraaneysaa sabab la xiriirta ficilada aan laga fiirsan ee dawladda sida arrinta Qalbi-dhagax. Labaduba waxay quseeysaan ku tagrifalka habka caddaaladda iyo caddaalad la,aanta, labaduna waxay khatar ku yihiin himilooyinka hiigsiga Nabad iyo Nolol.

Xuquuqda xorriyada hadalka, isku imaashaha, garsoor xaq ah iyo xoriyaddu waa xuquuqo aasaasi ah oo aysan faragashan karin hey’ad kasta oo dawladeed. Caddaalad darro iyo ku tagrifal awooddeed ayaa horseed ka ahaa dagaalkii sokeeye ee dalka burburiyay iyo kala yaaca dadka soomaaliyeed ee ku kala yaacen daafaha dunida iyo waliba sidoo kale luminta rajada hal jiil. Shalay haddii aysan maxkamad ka hortagi laheyn ku xadgudubka xaquuqda Cabdiraxmaan Cabdishakuur Soomaaliya waxaa suura gal ahaan laheyd in ay si fudud ugu noqoto  dagaalkii qabiileed.

Sharciga caalamiga ah waxa uu awood u siinaya dawlad kaliya isticmaalka awood maquunineed,laakiin waa in taxadar iyo masuuliyad badani ku dheehantahay maquuninta awooddeed ama ogolaanshaheedaba. Dawladda waxa waajib ka saaranayahy difaacida muwaadiniinta iyo in naf la gooyo kaliya marka ay ku jirto danta shacabka. Labadaasba dawladu waa ku fashilantay marka loo eego kiiskan.

Dawladda Soomaaliya waa in lagu ammaanaa dadaalkii ugu danbeeyay ee ay hubka uga uruurineysay shakhsiyaadka aan dawladda ka tirsaneeyn. Hasa yeeshee habka weerarka iyo xariga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa laga yaabaa in dad badan su’aal iska weeydiiyaan arrinta hubka ka dhigista.

Hey’adaha ammaanka oo la siyaasadeeyo waa mid khatarteeda leh. Tan ayaa aheyd waxa Soomaaliya burburiyay oo ku tuuray burburka iyo gaajada ay maanta ku jiraan. Nidaam u sameeynta hawlgalintooda waxay soo afjareysaa ficilda qabku iyo isla saxsanaantu wado kuwaas iyo had iyo jeer fashiliya hawlgaladda iyo sharciyadda dawladaba.

U Magaacibada xafiisyada dawladeed kuwo aan u qalmin waayo-aragnimona laheyn ayna u dheertahay qabyaalad, waa guuldarro la hubo iyo mid horseedi karta kalsoonida shacabka oo aan helin kadib labaatan sanno oo dalku dawlad la,aan uu ahaa. Saaxiibada iyo guulwadayaashu marnaba caddaalada ma hirgalin karaan. Waddaniyiin dhab ah oo garanaya danta shacabka ayaa awoodi kara hirgalinta caddaalada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waa astaan mucaarad, dawladuna waa in ay ula macaamishaa siyaasad ahaan. Mucaaradka oo dhan meesha ugu fiican oo looga adkaado waa baarlamaanka iyo kasbashada quluubta shacabka oo lagu kasbado wax qabad.

Arrinta la yaabka leh ayaa ah in kii mar la eedeeyay, haddana la bari yeelay uu maanta mideeyay mucaaradka isaga oo ka faaiideysanaya dhibka soo gaaray kana sii digaya ficilada dawladda.

Si loo soo celiyo kalsoonidii shacabka ee garsoorka waa in dawladda federaalku ay bilawdaa baaritaan madax bannaan. Kaalinta xeer ilaaliyaha, wasaarada amniga gudaha iyo saraakiil sar sare ee dawlada waa in la caddeeyaa. Haddii la soo ogaado in ay siyaasadeynayaan caddaaladda iyo ammaanka waa in la eryaa. Sidaan ayaa nabada lagu joogteeyn karaa, caddaaladdana lagu xoojin karaa. Marnaba nabad ma jiri karto, caddaalad la,aan.

SHARE